Diyaarad waday lacag fara badan Oo goor dhawayd lagu qabtay garoonka Aadan-cade

April 8, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Diyaarad lacag fara badan siday oo ka timid Imaaraadka Carabta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisbo.

Saraakiil ka tirsan Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa ku sugan garoonka Muqdisho, kuwaasoo sugayay diyaarada, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo garoonka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ee garoonka ayaa ka war helay in lacag sido diyaaradan, iyagoo ku amray in la baaro boorsooyinka, taasoo uu ka dhashay muran.

Ismaandhaaf ku aadan lacagtan ayaa ka taagan garoonka, iyadoo diyaaradda timid garoonka ay diiday in la baaro.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qeyb ka mid ah lacagta loo wado Puntland, halka qeybta kalena u socoto Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku sii jeeda garoonka, kuwaasoo ku baxay is maandhaafka ka taagan diyaaradan lacagta lagu qabtay.

Ilo ku sugan garoonka ayaa ii xaqiijiyay in imaatinka diyaaradda lacagta siday laga war hayay, balse inta ay la egtahay lama oga cadadkeeda.

Lacagta ayaa waxaa loo waday ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa Badda oo ay gacanta ku heyso dowlada Imaaraadka Carabta .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online