Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo is casilay

April 9, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa saaka si rasmi ah isku casilay ka dib markii uu warqadiisa is casilaada nuqul ka mid ah uu u geeyey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Muudeey.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Muudeey ayaa ka hor akhriyey warqada is casilaada Xildhibaanada dowladda Federalka Soomaaliya waxaan la laayey mooshinkii xilka looga qaadi lahaa Gudoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddoomiye ku xigeeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Muudeey ayaa u sheegay xildhibaannada in maalinta Arbacada ah ee soo socota uu khudbad ka jeedin doono xarunta golaha shacabka Gudoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

Is casilaada Gudomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa ay ku soo began tay xili maanta loo balansanaa kulan ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya loogana doodi lahaa khilaafka soo kala dhex galay gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari kuna saabsan xilka uu iska casilay.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online