Gudoomiye Ku Xigeenka Al-Minhaaj Mudug oo Booqday Iskuulka Daarul Biri Xaruntiisa Gaalkacyo.[Masawiro]

April 7, 2018 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Gudoomiye Ku Xigeenka Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Ustaad Cabdiraxmaan Sheekh Bilaal Caad ayaa saaka Booqday Iskuulka Daarul Biri ee Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna kalimaad muhima usoo jeediyay ardayda dhigata iskuulkaasi. Gudoomiyaha ayaa Ardayda kala hadlay Ahmiyada Waxbarashadu ay leedahay,waxa uuna ku booriyay dhammaanba Ardayda inay ku dadaalaan waxbarashadooda iyo sidii ay uhormarin lahaayeen Hamigooda waxbarasho.

‘’Ardayeey waxaad tihiin Jiilkii Hanan lahaa wadankani,waxaad tihiin jiilkii iftiinka iyo shumaca unoqon lahaa Dalkani ay haleekeeyeen Aqoon la’aanta Iyo Jahliga,haddiiinaan waxbarashada ku dadaalin ma noqon doontaan jiilkii wax badelayay’’ sidaasi waxaa ardayda kula dardaarmayay Gudoomiye Ku Xigeenka Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Ustaad Cabdiraxmaan Sheekh Bilaal Caad.

Intii kalimaadka uu soo jeedinayay Gudoomiye Ku Xigeenka Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa ardayda waxaa wajiyadooda laga dareemayay Farxadda iyo dhiiragelinta ay uhayaan kalimaadka loo soo jeedinayay.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa kormeeray Fasalada ay dhigtaan Ardayda waxa uuna uga mahadceliyay Maamulka Iskuulka Daarul Birri Hawsha Adag ee ay Bulshada u hayaan.

Si kastaba ha ahaatee Booqashada Gudoomiye Ku Xigeenka Mu’assasada Al Minhaaj Mudug Ustaad Cabdiraxmaan Sh. Bilaal Caad ee uu Saaka ku tagay Iskuulka Daarul Birri ayaa qeyb ka ah Booqashooyin ay Maamulku Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ay ku Booqanayaan Goobaha Waxbarashada ee Gobalka sida Iskuulaadka Iyo Jaamacadaha ku Yaal Degmooyinka Gobalka Mudug.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka
Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online