Habeenkii 4aad Nadwo kasocota Masjidka Wayn Ee Al-Rowda ee magaalada Bosaaso

April 13, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Waxaa habeenkii 4aad oo Xirirah ka socota Masjidka Alrowda Bosaso nadwadii 16 ee Sanad walba ka dhici jirtay Magaalada Bosaaso waxaana sanadkaan kasoo qayb galay Culimada Soomaaliyeed Qayba kamid ah waxaana sanadkaan halku dhig looga dhigay Hagaajinta Bulshada Waa Shaqo Wadareed oo ah mid kadhaxaysa guud ahaan bulshada sida Dowlada /ShacabkA Qaybihiisa kala duwan waana tan kaliya ee lagu gaarikaro guul aakhiro iyo aduun.

Waxaana caawa darsi xanbaarsan ama gundhig u ah halkudhigii guud ee nadwada soojeedshay Sh Maxamed Cusmaan Calasow waxaana sheekhu qaadaadhigay (Ilaalinta Caqiida Waa Masuuliyad Lawadaago) waxaana sheekhu ku dheeraaday baahida maantay loo qabo sidii loo difaaci lahaa Shareecada islaamka Maadaama maantay dhinacyo badan looga sooduulay ayna ugu daran tahay kuwa diinta ka baxay oo hunguri qaaday kuwaas oo ugalay Kirishtanka.
Intaas kadib waxaa lagalay qaybtii Su’aalaha iyo jawaabah waxaana Caawa bulshada jawaab waafi ah kasiiyay guud ahaan su’aalihii dadwaynahu soo waydiiyeen Culimada kala ah.

(1) .Sh Dr Xasan Sh Cali warsame
(2) Sh Axmed Dahir Xasan Aw Xuseen
(3) Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf .
(4) Sh Maxamed Macalin Axmed
Dhamaan Muxaadaraadka laga jeediyey Nadwada ka socta Masjidka Al-Rowada waxaad ka daawan kartaa mareegaha kala ah www.Halgan.net iyo Www.Alminhaaj.com

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online