Habeenkii 5aad Nadwo cilmiyeed ka socota masjidka Al-Rowada ee Boosaaso (Masawiro)

April 13, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Nadwadii 16aad oo xiriir ah ayaa kasocota Masjidka Al-Rowda Bosaso Waxayna gashay habeenkii 5aad waxaana caawa  darsiga ku qoranaa Sh C/naasir Xaaji Axmed waxaana sheekhu halku dhig Uga dhigay (Dowrka Qabiilku Kuleeyahay Dhisma Bulshada) Sheekha ayaa ugu horaynba waxaa uu kahadlay Farqiga u dhaxeeya Qabyaalada Iyo Qabiilka waxaana sheekhu sheegay in Qabiilku uu yahay mid Allah Bulshadiisa u abuuray  Ayna tahay sababtu In Laysku garto Islamarkaana Lagu Xiriiriyo Qaraabada .

Sh C/naasir oo Kamid ah Culimada lagu yaqaan in uusan runta  kagaban ayaa kadigay habka soomaalidu u xaqirto qabiilada kale iyaga oo ku doodayan faan iyo waxaan Kitaabka Allah meelna kaga oolin.

Sheekha ayaa dhanka kale waxaa uu ku tilmaamay wax laga Xumaado Islamarkaana ah dulmi iyo gabood fal habka soomaalidu Magta uduudsiiso Agoonta aabahood ladilay loona qaybsado magdheer/Jifo/Rafiso iyo wax shaydaan Xariiqay iyadoo dhinac lays kaga Tuuray  Kitaabkii Allah Iyo Sunadii Nabigeena Muxamad Sallalaahu Calayhi Wasalam.

Ugu danbayn Sheekha ayaa kudardaarmay Midnimo Soomaali Nimo Waxaana uu ka sheekeeyay Barisamaadkii iyo dowrkii soomaalidu ku laheed Caalam isagoo tilmaamay in somalidu ahayd dad qabwayn islamarkaana is Xiriirisa .

Ugu Danbayntii waxaa Lagalay qaybtii Su’aalaha ee dadweynuhu soowaydiiyeen Culimada waxaana caawa kajawaabay

  • Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf
  • Sh Axmed Daahir Xasan
  • Sh Maxamed Macalin Axmed
  • Sh C/raxmaan Bukhaari

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska warbaahinta Al-Minhaaj

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online