Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland.[Cod/Masawiro]

April 18, 2018 - Written by Editor

Boosaaaso:-Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo soo noqday wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadii Dimoqraadiga ee Soomaaliya, ayaa kaga dhawaaqay magaalada Bosaso in uu yahay musharax u taagan xiilka Madaxweynaha Puntland doorashada nagu soo aadan ee dhici doonta bilowga sannadka 2019-ka. Jeneraal Morgan ayaa sheegay in ay isku sharaxay sidii uu Puntland uga bedeli lahaa marxalado badan oo ay maanta ku sugan tahay, gaar ahaana wuxuu si gaar ah uga hadlay ammaanka oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin kabaayasha iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dal kasta leeyahay.

Musharaxu waxa sidoo kale uu ka hadlay shaqo abuur uu sheegay in uu u sameyn doono dhalinyarad reer Puntland oo ka cabanaya shaqo la’aan baahsan. Morgan wuxuu sheegay in uu aqbalay dalab uga yimid Shacab badan oo ku nool mandiqadda Puntland, ayna ka codsadeen in uu noqdo musharax Madaxweyne, si loogu doorto xilka Madaxtinimada waqtigan oo ay mandiqadu ku jirto marxalad xasaasi ah.

 

Hoos ka Dhagayso khudbada Jen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland.

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2018/04/musharxmorgan.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online