Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Safar Shaqo Ugu Ambabaxay Dalka Isku Taga Imaaraatka Carabta.[Video/Masawiro]

April 21, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa maanta 21 April 2018 Safar shaqo ugu ambabaxay Magaalada Abu-Dhabi ee caasimada Dalka Isku Taga Imaaraatka Carabta, kadib markii martiqaad rasmi ah uu ka helay madaxda dalkaasi. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Safarkiisa shaqo ee uu ugu ambabaxay Dalka Isku Taga Imaaraatka Carabta waxaa ku wehelinayey qaar kamida golaha wasiirada Dowlada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay muhiimadda safarkisa ayaa sheegay inuu dalka Isutaga Imaaraatka Carabta gaar ahaan caasimadda dalkassi ee Abu-Dhabi u tegi doono arrimo la xidhiidha Ganacsiga, Amaanka, Siyaasadda guud ee Puntland iyo tan Soomaaliya.

” Waxaan maanta u ambabaxayaa wadanka isutaga Imaaraadka Carabta oo aan u aadi doono howlo la xidhiidha arimaha ciidamada badda oo muddo tobon sano ah ay naga taageerasay Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta iyo difaaca dalka iyo la dagaalanka argagixisada Alshabaab iyo ISIS iyo arimo kale oo la xidhiidha hormarnta kaabayaasha dhaqaalaha, sidoo kale arimaha bulshada dhanka waxbarashada caafimaadka iyo biyaha arimahaas weeye arimaha socdaalkayga oo qaadan doona muddo afar bari ah uu la xadhiidho, waxaan rajaynayaa in aan la kulmo madaxda dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaan rabaa sidoo kale in aan idiin sheego in aan magacaabay guddiga dib usoo celinta bilicda magaalada Boosaaso iyo hantida dowladda, gudigaas waxaan gudoomiye uga dhigay wasiir Cabdirashiid Maxamed Xirsi, guddigaasi waxay u xil saaran yihiin in ay magalada ka shaqeeyaan, qashinka ka aruuriyaan, jidadkana ay furaan, dibna u soo ceshaan hantida dowladda inta la dagan yahay, si magaaladaan u noqoto magaalo istaahisha magaalada caasimada ganacsiga Puntland, magaalada waxaan horay uga qabanay shaqo badan oo ay ka mid yihiin afar iyo toban jid ama waddo oo qaarkood ilaa 16km yihiin, waxaanu samaynay nalalka ku shaqeeya cadceedda (Solar Lights ) oo aan isleeyahay wax badan bay ka bedalasaa bilicda magaalada, waxaas oo shaqo ah ayadoo la qabtay haddana waxaa moodaa in wax badan wili dhiman yihiin, waxaan rajaynayaa in guddigaas shaqada loo igmaday si deg deg ah u galaan ugana soo baxaan si wanaagsan, waxaan kaloo rabtaa in aan ku tartansiiyo dadka reer Boosaaso oo aan ku booriyo in ay sooo dhaweeyaan arintaas, guddigana gacan buuxda siiyaan si ay waajibkooda u gutaan, ugu dambayntii waxaan halkaan ka jeedinayaa hadal yar oo ku saabsan xadhiga boqor Buurmadow oo lagu xidhay Hargeysa, waxay ila tahay aniga runtii Isimaddu in ay mudan yihiin karaamo iyo sharaf, in ay mudan yihiin in la dhowro sharaftooda iyo cirdigooda, in aysan sax ahayn in nin Isim ah oo tegey meel ka mid ah dalkiisa la yiraahdo maxaad u tagtay, Isimadu dhankayaga xuduud ma leh meeshay doonaan bay tagi karaan, meel walba ayeyna nabadaynta dalka iyo isu dhowaanshaha bulshada u tegi karaan, markaa ma garan karo sababta uu Boqor Buurmadow xadhigaas ku mutaystay oo aan ahayn in uu yimid dalkiisa meel ka mid ah, hadduu hadda noo yimaadana waan ku soo dhowaynanaa, horayna waan ugu soo dhowaynay cid kasta oo soomaali ah oo wanaag wadana Puntland way soo dhawaynaysaa, ama ha noqoto wanaag nabadeed, wanaag ganacsi iyo wanaag isu socod bulsho intaba waan soo dhawaynanaa haddii alle yidhaahdo, Boqor Buur Madow waan ka xunahay xarigiisa, waxaana rajaynayaa in xorriyadiisa dib loo siiyo ninkaas odayga ah, aad iyo aad baadna u mahadsan tihiin”.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu ku sugnaan doona mudo dhowr maalmooda Wadamada Isutaga Imaaraatka Carabta, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda ugu sareysa wadamadaas, isagoona madaxweynuhu dib ugu soo laaban doona magaalo madaxda Dowladda Puntland ee caasimada Garoowe.

Hoos ka daawo Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Safar Shaqo Ugu Ambabaxay Dalka Isku Taga Imaaraatka Carabta.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online