Madaxweynaha JFS Farmaajo oo kormeeray Kuliyadda Jaalle Siyaad (Masawiro)

April 17, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdillaahi Cali Caanood, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud. Bashiir Maxamed Jaamac (B.Goobe) iyo saraakiil kale ayaa maanta kormeer ku tagay kuliyadda Jaalle Siyaad oo ay xarun u tahay ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howl-galka Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cutub ka mid ah ciidanka AMISOM ee Burundi salaan sharaf ka qaatay, wuxuuna kulan gaar ah la yeeshay wakiilka midowga Afarica ee Somalia Mr.Francisco Jose Maderia iyo saraakiisha ciidanka Burundi ee saldhiga u ah kuliyada Jaalle Siyaad, madaxweynaha ayaa ka xog waraystay xaalada xerada iyo dadaalada ciidanka Burundi ay wadaan kaasoo ku aadan howlgalka dowladdu ku cirib tirayso argagaxisada Al Shabab.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia Mr.Maderia ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inuu yahay masuul ay ka go’an tahay dhismaha ciidan xooggan uu dalka yeesho iyo in lasoo afjaro kooxda Al-Shabaab,wuxuuna tusaale usoo qaatay sida uu ugu soo guuray wasaradda Gaashaandhigga oo mudooyinkii danbe ku shaqaynayay.

Kulanka marka uu soo idlaaday Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay kuliyada Jaale Siyaad, wuxuuna ku amaanay ciidanka AMISOM siday xilli kasta ugu heelan yihiin dowladda iney ku garab siiyaan sidii Al-Shabaab loogu adkaan lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu laabtay Wasaradda Gaashaandhigga oo u saaka dib uga bilaabay shaqo maalmeedkiisii.

Sonna Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online