Madaxweynaha Puntland oo la hadlay saxaafadda caalamka kana waramay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.[Dhagayso]

April 27, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta warbaahinta caalamka kula hadlay wadanka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu ku celiyey in dalka Soomaaliya uusan ka maarmin taageerada dalka isku Imaaraadka Carabta waxaan uu xusay in 2-da dal uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi oo soo jireen ah sidaas darteedna loo baahan yahay weli taageerada dowladda Imaaraadka Carabta, Madaxweyne Gaas ayaa xusay in dowladda Imaaraadka Carabta ay tahay dowladda kaliya ee taageero buuxda oo weyn siisa dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Puntland aysan ka maarmin taageerada dhinac amniga ah oo ay ka hesho dowlada Imaaraadka Carabta, sababta oo ah buu yiri Puntland waxaa ay ku taal meel muhim ah waxan ay dagaal kala duwan kula jirtaa argagixsada Al-shabab , Daacish iyo weliba kooxaha burcad badeedka ah, Madaxweyne Gaas oo wax laga wiidiiyey hishiiska Dp-world ayaa waxaa uu ku dooday in dastuurka Puntland qodobka 54 iyo dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya qodobka 1 uu awood u siinayo in dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Fderaalka ah ay heshiisyo ganacsi oo calami ah ay geli karaan.

Dhinac kale Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkiiisa jaraa’id ku xusay in dowladda Puntland ay ka mid tahay xubnah dowladdaha Federaalka Soomaaliya ee ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayn tahay dowladdii ugu horaysay lana dhisay 1998 waxaan uu xusay in dowladda Puntland ay taageersan tahay dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayna muhim tahay in laga wada shaqeeyo wax danta guud u ah dalka Soomaaliya lana soo afjaro wax kasta oo khilaaf ah oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladdaha taageera dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhagayso Madaxweyne dowladda Puntland oo la hadlay saxaafadda caalamka kana waramay xiriirka soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2018/04/Gaassaxaafadda.mp3]

Halkan ka dhagayso Mp3

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online