Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sannad Guurada 58-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.[Masawiro]

April 12, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qooysaskooda oo maanta ay ku beegantahay sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.

Madaxweynaha oo kala qeyb galay munaasabadda xuska maalintan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday isku dhafka ciidammada, dib u habeynta hannaanka maaliyadda iyo howl-gelinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaalladaas dib u dhiska ah ay barbar socdaan guulo ay ciidanku ka gareen dagaalka lagaga sifeynayo dalka argagixisada Alshabaab.

“Muddadii ugu danbeysay ee aan ku shaqeynaayey Wasaaradadda Gaashaandhigga, waxaan ku guuleysannay in aan dib u saxano diiwaan gelinta dhammaan askarta, iyadoona loo sameyeeyey mid kasta fayl u gaar ah oo ay ku qoronatahay xog kasta oo ku saabsan askarigaas, taas oo aan horey u jirin.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in lagu kordhinayo qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka cutubyo ku takhasusay dagaalka melayshiyaadka, taas oo ka tarjumaysa qorshaha dowladda ee ku aaddan xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa faray Ciidanka Xoogga Dalka in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciribtirka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda oo labaduba dib dhigay dowladnimada iyo horumarka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay dowladaha iyo ururrada caalamiga ee garab taagan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageero buuxda siiyaan ciidankooda, dadaal muuqdana ay ku bixiyaan xoreeynta dalka.

Munaasabaddan waxaa ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlmaanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen iyo qaar ka mid ah Danjirayaasha ka hawl galo dalka.

DHAMMAAD

Wixii faah faahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online