Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku dhiirri gelinayaa Mudane Jawaari in uu halkiisa ka sii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya”

April 10, 2018 - Written by Editor

Muqdisho, 10ka Abriil, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Jawaari, tanaasulka uu sameeyey iyo go’aanka shuruud la’aanta ah ee uu u qaatay danta dalka. Madaxweynaha oo shir jaraa’id ay si wada jir ah u qabteen Guddoomiyaha xilka iska casilay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kula dar daarmay in uu sii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya.

“Waxaan ku dhiirrigelinayaa Mudane Jawaari inuu halkiisa kasii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan qabyo tirka Dastuurka, waxaana dowladda iyo shacabkaba ka filayaan talo bixin iyo toosin joogta ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, muddadii dheerayd ee uu u soo shaqeeyay dalka iyo waqtiga uu ku bixiyey dowladnimada.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay sii labo laabto dadaalkeeda, maadaama ay horyaallaan hawlo culus oo ay ka mid yihiin sugidda amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Baarlmaanka waxa uu u jeediyey in ay dardar geliyaan meel marinta hindise sharciyeedyada ay xukuumadda u soo gudbisay ee ahmiyadda u leh howlaha dowladda iyo in ay kor joogteeyaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan dowladdooda, ayna la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgalyada.
DHAMMAAD
Wixii faah faahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online