Madaxweyne Gaas ”Puntland ma jirto cid kale oo ay ku bedelanayso taageerada dowladda Imaaraadka Carabta.”[Video]

April 16, 2018 - Written by Editor

Boosaaaso:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saaka waxaa uu booqasho ku tegay Saldhiga ciidamada badda Puntland PMPF ay ku leeyihin duleedka magaalada Boosaaso waxaan uu salaam Sharaf ka qaatay ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland PMPF, Madaxweyne Gaas ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Xidhibaan ka tirsan 2-da gole ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Saldhiga ciidanka badda Puntland PMPF ayaa waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka carabta uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen sidaas darteedna loo baahan yahay in la sii xoojiyo xiriirkaas , Madaxweyne Gaas ayaa xusay in Puntland ay dowladda Imaaraadka taageeradeeda aysan ka maarmin cid kale oo ay ku doorsanaysan aysan jirin waxaan uu sheegay in ciidamo gaaray 2000 oo askari oo ka howl gala xeebaha Puntland ay imaaradka siiyaan tababar iyo Agab ciidan oo casri taas oo sabab u noqotay in la wiiqo awoodii koooxha xagjirka ah ee Daaicsh , Al-shabaab iyo weliba kooxaha Burcadbadaadka ah oo dhib badan ku hayey xeebaha Puntland.

Dhinac kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa beenieye warar maalmihii danbe ay qoreen saxaafadda soomaalida oo sheegay in tababarayaal ka tirsan dalka Imaaraadka ay ka baxeen Puntland isagoo ugu baaqay saxaafadda in ay ka fiirsadaan wararka ay baahinayaan isagoona si gaar ah u xusay idaacadda VOA waxan uu ku celiyey codsina u jeediyeydowladda Imaaradka carabta in ay sii kordhiyaan tababarka iyo agabka ay siiyaan ciidamada badda Puntland PMPF.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Gaas uu saaka ku qabtay Saldhiga ciidanka badda PMPF ay ku leeyihiin duleedka Boosaaso

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online