Madaxweyne JFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Qatar (Masawiro)

April 21, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay warqadaha danjiranimo Safiirka Dalka Qatar ee loo soo Magacabay Soomaaliya Mudane Xasan Xamsa Asad.

Danjire Xamsa ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, waxa uuna adkeeyey danjirahu in uu kaaalintiisa ka qaadan doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyey Amiirka dalka Qatar iyo dowladdiisa sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu mira dhal u noqdo danaha labada dal.

DHAMMAAD

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online