Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo furay Shirka Wasiirada Amniga

April 25, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne kuxigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa furaya maanta shir gaar ah oo looga hadlayo Ammaanka Soomaaliya oo dhan, kaas oo ka dhacaya magaalada Garoowe.

Shirka looga hadlayo amaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan wasiiro ka socda dawladda Faderaalka & Dawlad gobaleedyada .
Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeedsho ka shirka, waxaana inta uu socdo diiradda la saaray sidiin wax looga qaban lahaa amaanka dalka loogana hortag lahaa kooxaha argagixidada ah ee Shabaab iyo Daacish.

Wasiir ku xigeenka amniga Gudaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa sharaxay ahmiyadda Shirkan oo uu sheegay in uu dabo socdo shirar hore gudaha dalka loogu qabtay wuxuuna sheegay in shirka ka dhacaya Garoowe diirada lagu saari doono.

1- Isku xirka Hay,adaha Amniga dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyadda Dalka.
2- Samaynta Tirakoob sax ah oo lagu samaynaayo Ciidanka kala duwan ee dalka
3- Ka warbixinta Xaaladaha Amni ee Dowladda Faderalka iyo Maamul goboleedyadda

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online