Hagaajinta Qoyska Muslimkaa Sh Axmed Daahir Nadwadii 16aad Masidka Al-Rowda Bosaso.[Video/Masawiro]

April 10, 2018 - Written by Editor

Nadwadaan oo ah tii 16aad oo xiriir ah ee ka dhacda magaalada Bosaaso Gaar ahaan Masjidka Al-Rowda  waxaana sanadkaan ka qayb qaadanaya Qaybo kamid ah  Culimada waawayn ee Somalida Waxaana  Halku dhig looga dhigay (Hagaajinta (Bulshada Waa Mas’uuliyada Wadareed).

Waxaa caawa darsiga 1aad qaatay Sh Daahir Aw Cabdi Aw Yuusuf  waxaana sheekhu si kooban uga hadlay hordhac ku saabsan  mas’uuliyada guud  waxaana sheekhu si dhamaystiran u qaadaadhigay Mas’uuliyada qof walba oo muslim ah laga doonayo iyo In lays kula xisaabtamo qofkii dayaca Mas’uuliyada  isla markaana loona nasteexeeyo  qofkii dayaca.

Dhanka kale waxaa Sheekh.Daahir Aw Cabdi baaq u diray Madaxda dalka Soomaali  gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo waxaana uu ugu baaqay in dalka laga macnuuco Mooshinka waalay dalka diinta Iyo dadka.

Darsiga 2aad waxaa galay Sh Axmed Daahir Xasan Aw Xuseen waxana sheekhu Halkudhig uga dhigay Darsigiisa (Ahmiyada uu Leedahay Hagaajinta Qoyska ) Waxaana sheekhu Sooqaatay Nusuus diini ah waxaana sheekhu ku dheeraaday baahida loo qabo in maantay bulshadu hesho qoysas hagaagsan maadaama maantay aynu aragno fitanka ku socda sidii loo burburin lahaa  Qoys walba oo islaam ah .

Ugu danbayn sheekhu waxaa uu ka digay dhaqan xumada ku soo badatay  gudaha dalka haday tahay labiska dhalin yarada rag iyo dumar waxaana sheekhu si gaar ah uga digay dhalinyarada oo ku saamowday dhaqan xumada reer galbeedka.

Hoos ka Daawo Hagaajinta Qoyska Muslimkaa Sh Axmed Daahir Nadwadii 16aad Masidka Al-Rowda Bosaaso

Nuur Jaamac Aadan
Al-Minhaaj,Bosaaso

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online