Nadwadii 16aad Ee Ka socotay Masjidka Al-Rowda Bosaaso oo gashay Habeen kii 2aad .(Masawiro)

April 10, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Waxaa Masjidka Alrowda ee magaalada Boosaaso si habsami ah uga socota nadwadii sanadlaha ahayd oo gashay habeenkii labaad waxaana darsiga qaybtiisa hore soojeedshay Sh Maxamed Macalim Axmed Waxaana Sheekhu Halku dhig Uga Dhigay (Mas’uuliyada kasaaran Goobaha Waxbarashada Toosinta Umadda).

Sheikh Maxamed Macalin oo kamid ah Culimada dadweynuhu jecel yihiin maxaadaradooda ayaa soojeedshay darsi qiimo badan islamarkaana xanbaarsan xikmado sheekhu sooxulay .

Sheekha ayaa kahadlay in ay jiraan goobo waxbarasho oo aan mas’uuliyad wanaagsan aysan iska saarin sidii dhalin yarada lagu jeclaysiin lahaa waxbarashada waxaana sheekhu Kadigay saamaynta ay leedahay in arday baasay imtixaanka laga jaro dhibcihii uu keenay  taas oo sababi karta in  ardaygaasi  kasaaqido waxbarashada.

Qaybta labaad  ee su’aalaha dadwaynaha iyo jawaabaha Culimada waxaa soojeedshay Sh Axmed Daahir Xasan/ Sh.Maxamed Cismaan Calasow Iyo Sh Dr Xasan Sh Cali Warsame   waxaana lawaydiiway in kabadan 15 Su’aalood kuwaas oo bulshadu faaiido wayn ka dhaxleen .

Su’aalahaan ayaa u badnaa qoyska  waxaana uu dabasocday darsigii habeen hore ee masuuliyada qoyska looga hadlay oo uu soojeedshay Sh Axmed Daahir Xasan Dhamaan Muxaadaraadkaan Waxaa Iyaga oo Maqal Iyo Muuqaal ah Kaheli Kartaan Www.Alminhaaj.com Iyo Www.Halgan.net 

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta
Mu’asasada Alminhaaj

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online