Qarax lagu dilay Saraakiil ciidan iyo askar oo ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.[Dhagayso]

April 28, 2018 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Waxaa maanta ka dhacay magaalada Gaalakacyo ee xarunta Gobolka Mudug qarax is miidaamin ah oo uu fuliyey qof naftii halige ah waxaan uu ka qarax uu la beegsaday Saraakiil ka tirsan Ciidamo isku dhaf ah oo loo sameeeyey in ay sugaan amniga magaalada Gaalkacyo, Qarax ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee Taliyihii ciidamada isku dhafka ee gobolka Mudug Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabo Cabdiqani Axmed Geyre oo ka mid ahaa saraakiisha Laamaha Ammaanka ee gobalka Mudug.  Qarax ayaa waxaa kale oo ku dhaawacmay ilaa 6 qof oo kale, Qaraxa ayaa waxa fuliyey shaqsi naftii halige ah oo isku soo xiray walxaha qarxa waan uu isku qarxiyey goob ay ku sugnaayeen Saraakisha dhimatay.

Qarax ayaa waxaa sheegtay sidda caadiga ah kooxda Al-shabaab mana ah qaraxii ugu horeeyey oo ay ka fuliyaan Waqooyiga Gaalkacyo oo weerar dhowr ah oo ay ka fuliyeen ay ku dileenNabadoono, Cuqaal ,Ganacsato madax ka tirsan maamulka Gobolka Mudug ee Puntland iyo Saraakiil ciidan. Maalmihii danbe ayaa waxaa ka jiray magaalada Gaalkacyo ciidamo isku dhaf ah oo ka wada tirsan Puntland iyo Gal-Mudug oo ka samayn jiray howl galo kale duwan iyo Roondeyn xilyada habeenkii ah taas oo wax badan ka bedeshay amaanka magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Dhagayso Taliyaha Wacyigalinta iyo isku xirka Bulshada Axmed Maxamed Guuleed oo la hadlay saxaafadda

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2018/04/TALIYE.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online