Sh Xassan Daahir Aweys oo dilka Ismail Xaji Cadow ku eedeeyey kooxdii uu ka tirsana Al-Shabaab.[Daawo]

April 25, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Sh. Xassan Daahir Aweyns oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ayaa soo diray fariin calaacal iyo qeylo dhaan ah oo ku aadan dilalka Sh Ismail Cadow waxaana uu dilka ku eedeeyey in ay ka danbeeyaan kooxda Al-Shabaab. Sh. Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in uu wili taageersan yahay kooxda Al-shabaab dagaalka ay ka wadaan dalka Soomaaliya balse waxaa uu diidan yahay dilalka xubnaha kooxdiisa Xisbul Islaam balse Su,aashu waxay tahay dilalka umada Soomaaliyeed iyo qaraxayada lagu xasuuqayo wadaadku muxuu ka qabaa ? Sh Hassan Daahir Aweys ayaa mar labaad ku celiyey dilka Sh.C/qaadir Nuur Faarax iyo Sh Dr Ahmed Xaji allaha u naxariistee ay dileen kooxda Al-Shabaab.

Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa sidoo kale xusan in xubnihii Al-Shabaab ee lagu dilay Baraawe  Macalin Burhaan iyo Ibraahim Afgani  ay khaarijiyeen kooxda Al-Shabaab. Sh Hasan Daahir Aweys ayaa yiri Al-shabaab ” Waa na dileen , weyna naga xoogeen dhulal badan ,maal badana waa naga dhaceen Al-Shabaab  balse intaas in ka badan bay Al-Shabaab u geysteen Umada Soomaaliyeed ee Muslinka ah” .

Dhinac kale Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa uu wax laga xumaaday ku tilmaamayu dilalka qorshaysan ee Haldoorka Soomaalida ay ku fuliyaan amniyaadka Al-shabaab isagoona xusay in arrinkaas aysan sal ku lahayn diinta Islaamka aysana banaanay in la daadiyio dhiiga dadka Muslinka ah ee waxba galabsan, Sh Xassan Daahir Aweys ayaa qiray markii ugu horaysay in uu jiro qalooc dhinac fahamka ah ee nasuusta ay hogaanka Al-shabaab ku xalaalaystaan dhiiga dadka Haldoorka bulshada Soomaaliyed ee ay ugu horeyaan culimada Soomaaliyeed.

Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay in aan lagu gaaloobayn haddii lala hadlo gaalo ama la khilaafka Ururka Al-shabaab arrinkaas oo uu aad ugu canaanta hogaanka Al-shabaab isagoona ugu baaqay in ay wax ka bedelaan Istaraatijiyadooda dagaal ee ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya ayna nabad geliyaan dadka soomaaliyeed ee Muslinka ah.

Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa sidoo kale markii ugu horaysay qiray in ay dhamaan istaagtay dacwadii laga waday Gobollada iyo goobaha ay ka wadaan dagaalka ururka Al-shabaab taas oo uu xusay in ay tahay khatar diini ah oo ku soo wajahan dalka Soomaaliya waxaan uu Sheekhu si gooni ah u xusay in meelah qaar ay gabaabsi yihiin goobihii Quraanka lagu baran jiray.

Sh.Xassan Daahir Aweys oo ka hadlay isa soo dhiibida Mukhaar Roobow Abu Mansuur ayaa shegay in ururka Al-shabaab ay ka abaal dhaceen  Abu Mansuur oo isagu uu ahaa shaqsigii u sahlay in Gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan ay qabsadaan ururka Al-shabaab, Sh Xassan Daahir Aweys ayaa xusay in Afhayeenka Al-shabaab Cali dheere uu ku xadgudbay Abu Mansuur uuna ku xukumay Rido taasna ay tahay baal dhac

Sh.Hassan Daahir Aweys ayaa eedeymo badan u jeediyey kooxda Al-Shabaab mana aha markii ugu horeysay oo uu soo diro qeylo dhaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab isaga oo ka soo diraya guriga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho oo uu xabsi ku yahay mudo 5 sano ah sida uu sheegay.

Hoos ka Daawo Qeyla dhaanta Sh Xasan Daahir Aweys oo uu kaga hadlayo dilka Sh Ismail Cadow alaha u naxariisto oo ahaa afhayenka Shuurada ee Xisbul Islaam .

Hoos ka Dhageyso Sh Xasan Daahir Aweys oo uu kaga hadlayo dilka Sh Ismail Cadow alaha u naxariisto oo ahaa afhayenka Shuurada ee Xisbul Islaam

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Sh_aweys_Ismail.mp3]

Ama Halkan Mp3
C/Casisis Maxamed
Hagan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online