Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo Tababar Heer Sare ah ku soo xiray Muqdisho[Masawiro]

April 20, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa maanta soo xiray Tababarka Tababarayaasha Saraakiisha Sare ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo seddex maalin ka socday magaalada Muqdisho. Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ujeeddadiisu ahayd u diyaargaroowidda in shacabka Soomaaliyeed illaa heer tuullo la gaarsiiyo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka ee dhawaan dalka ka bilaawan doona.

Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo ka hadlayay xiritaankii tababarka ayaa yiri “Maalmaha soo socda tababarkan waxa uu gaari doonaa xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Caasimadaha Dawlad Goboleedyada taasi oo sahleysa in la helo dad badan oo sida fariimo isku mid ah oo ku saabsan daadejinta dib-u-eegista Dastuurka oo la gaarsiin doono illaa tuullooyinka; waxaan u mahadcelinayaa tababarayaashii waqtiga geliyay tababarkan iyo ka qaybgalayaasha oo ay sugeyso inay deegaanadooda gaarsiiyaan tababarkii ay qaateen”.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay ka qaybgalayaashii muddada seddexda maalin ahayd ka qaybgalay tababarka.

—–DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online