13 Al-Shabaab ah oo lagu Diley deegaanka Xalfooleey ee gobalka Hiiraan

May 12, 2018 - Written by Editor

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan 13 ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabab lagu dilay dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal saakay aroortii dhexmarey maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al-shabaab. Dagaalkan oo ka dhacay Xalfooleey oo u dhow Jalalaqsi ayaa bilowday ka dib markii maleeshiyo Al-shabab ka tirsan ay weerar ku qaadeen deegaankan oo dadka ku nool ee xoolaleyda ah ay ka diideen amarro ah inay bixiyaan xoolo ay ku sheegeen sako.

Deegaankana ayaa u jira degmada Buule Barde ilaa iyo 60 km, gudoomiyaha degamada Buula Barde, Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa VOA-da u sheegay in maleeshiyada dagaalka la galay al-shabab ay ka tirsanyihiin maleeshiyo beeleedyo xoolaley ah oo waayadanbe waday kacdoon ka dhan ah Al-shabab oo gobolka looga yaqaan Macawisleey.

Saraakiisha dowladda ee gobolka ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanno kale oo gobolka ah.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online