Dawladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub oo gaaray Heshiisyo Muhiim ah.

May 5, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre, oo ka warbixiyay safarkii Brussels iyo natiiijooyinkii kasoo baxay kulamadii uu la qaatay madaxdii kala duwaneyd iyo shirkii looga hadlayay amniga dalka. Waxuuna sheegay in ay wada galeen dhowr heshiis oo muhiim u ah dawladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Midawga Yurub ay kula heshiiyeen in ay ku kaalmeeyaan dawladda Soomaaliya €100 milyan oo Euro oo miisaaniyadda dalka lagu kabayo, taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda Bangiga dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale midowga Yurub ayaa balan qaaday in €80 Milyan oo Yuuro ay ku bixin doonaan qorshaha aminga iyo kala guurka ciidmada dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo sheegay isla ay garteen Midawga Yurub in ay dawladda Soomaaliya kala shaqeeyaan ka hortagga jaridda dhirta, dhoofinta dhuxusha sharci darada ah iyo in sannadka soo socda shir noocaan oo kale ah lagu yeesho wadanka Belgium.

“Madaxdii ka soo qayb gashay shirka waxay cadeeyeen in Soomaaliya ay bilowday baal cusub oo horumarineed, taas oo ay kula jaan qaadi doonto caalamka, waxayna balan qaadeen in ay hab ka wanaagsan sidii hore ay u caawin doonaan Soomaaliyada cusub.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Belgium, madaxa ugu sareeya midawga Yurub ee u qaabisan arrimaha siyaasadda dibadda, madaxda midawga Yurub u qaabishan howlaha horumarinta, kauulmeysiga iyo gar-gaarka, Safiirada midawga Yurub u qaabishan amniga iyo siyaasadda, safiirro kasoo jeeda Afrika, Caribbean-ka iyo Pacifica oo ku midoobay urur ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

SONNA
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online