Faahfaahinta Dagaal Ka dhacay Deegaanka Tukaraq iyo dagaalkii oo Joogsaday

May 15, 2018 - Written by Editor

Tuka Raq:-Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobalka Sool ayaa sheegaya in Dagaal uu  maanta ku dhex qarxay Ciidamada Maamulka S/land iyo Puntland  oo ku suganaa deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool .Labada Maamul ayaa midba kan kale ku eedeeey in uu dagaalka bilaabay waxaana warbaahinta la hadlay masuuliin ka tirsan labada Maamul.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dagalka lagu soo qaaday Somaliland isagoo ku eedeeyay dowladda Federalka ee Soomaaliya wuxuuna sheegay in ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday. Dhinaca Puntland Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa waxaa lagu sheegay  in Somaliland ay dagaal ku soo qaaday ciidamada Puntland  ay iska Difaaceen .

Labada dhinaca ayaa guulo ka sheegtay dagaalka. Saraakiisha Puntland iyo kuwa Somaliland ee ciidamadaa kala hoggaaminaya ayaa sheegay inuu jiro khasaare nafeed oo labada dhinac kala  gaaray .

Waxaa wax lala yaabo ah in Dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato sanad walba lagu aadiyo bisha Ramadaan dagaalkana cidna kuma faa,ido ee aqliga ha shaqeeyo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online