Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha oo lacag deeg ah ku wareejiyay Maamulka Gedo[Masawiro]

May 9, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo ah gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha ayaa waxa uu maanta lacag gargaar ah oo dhan $100,000 ku wareejiyay gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, kadib kulan uu guddigu ku yeeshay Muqdisho.

“Waxa aan horay u ballan qaadnay in guddigu ugu deeqayo Gobalka Gedo lacag Boqol Kun oo doolar ah. Waxa aan hadda lacagtaas ku wareejinnay gudoomiyaha Gobalka Gedo oo aan ka dooneyno in uu si cadaalad ah u gaarsiiyo qoysasaka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, oo gudoomay lacagta gargaarka ah ee loogu tala galay dadka gobalkiisa ee daadadku dhibaateeyeen, ayaa waxa uu ka mahad celiyay gurmadka hor-dhaca ah, waxa uuna ballan qaaday in dadkii loogu tala galay ay gaarsiin doonaan.

Guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ayaa tan iyo markii la magacaabay waxa ay wadeen dadaallo loogu gurmanayo dadka iyo deegaannada ay ka jiraan xaaladaha bini’aadninimo ee ka dhashay daadaka, waxaana xubna kamid ah guddigu ay socdaallo ku mareen deegaanno ay daadad ku fataheen halkaas oo ay gaarsiiyeen qaar kamid ah dadkii ay daadadku saameeyeen gargaar isugu jira lacag, raashin, dawo, iyo agab kale oo Muhiim u ah nolosha Aadanaha.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
« Apr   Jun »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online