Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka oo Banbax-howleed u jooga Nairobi.[Masawiro]

May 27, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa Banbax-howleed socon doona maalmo uga bilowday magaalada Nairobi.

Saddexda hay’ad oo yeelanaya kulan wadajir ah ayaa ka arrinsan doona xoojinta wadashaqeynta iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Xubnaha Wasaaradda uga qaybgalaya kulankaas ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda, halka Xildhibaano kamid ah Gudigga Baarlamaanka iyo xubno kamid ah Gudigga Madaxabanaan ay iyagana kulanka ka qaybgalayaan.

Ugu dambayn, Banbax-howleedkan ayaa muujinaya wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa saddexda hay’adood waxeyna yididiilo weyn gelineysa dadka Soomaaliyeed ee indhaha ku haya Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

A/cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online