Kulan dhexmaray Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Ururada Dhallinyarada.[Masawiro]

May 8, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Masuuliyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay ka qaybgaleen kulan su’aallo weydiin ahaa oo ay soo qabanqaabiyeen qaar kamid ah Ururada Dhallinyarada. Kulanka intii uu socday ayaa waxaa looga hadlay doorka dhallinyarada ee Hannaanka dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka tirsan Gudigga Baarlamaanka iyo Marwo Muumino Sheekh Cumar oo ah xubin kamid ah Gudigga Madaxabanaan ayaa si wadajir ah uga jawaabayeen su’aallo dhanka dhallinyarada ka imaanayay. Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 100 qof oo dhallinyaro ah ayaa waxaa la isku dhaafsaday talooyin badan oo ku qotomay Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, Masuuliyiinta matalayay sedexda Hay’ad ee ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka ayaa waxay dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhiirageliyeen inay kaalintooda ka qaataan horumarka dalka ka socda gaar ahaanna Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka ee dhawaan dalka ka bilaaban doono.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online