Madaxweynaha Dowladda Puntland Ayaa Qasriga Madaxtooyada ku Qaabiley Wafti Ka Socdey Hay’ada UNFPA.[Masawiro]

May 9, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikdu tahay 9 May 2018 waxaa uu qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley madax kasocotey Hay’ada UNFPA. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kulanka uu maanta la yeesha madaxda ka socotay Hay’adda UNFPA ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Puntland mudane. Shire Xaaji Faarax iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Weftigan ka socday Hay’adda UNFPA ayaa waxaa hogaaminayey Agaasimaha Gobolka Hay’adda UNFPA Mr. Luay Shabeneh oo uu weheliyo uqaabilsanaha arimaha Soomaaliya Mr. Nikolai Botev iyo ku xigeenkiisa Walter Mandson-filho.

Madaxa weftiga Hay’adda UNFPA Mr. Luay Shabeneh oo uga mahad celiyey Madaxweynahad Dawladda Punland fursada uu maanta u siiyey inay kula kulmaan xafiiskiisa ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey kulankii uu madaxqweynhu la yeeshay maanta waxaa uu kaga warbixyey waxqabadka hay’adda ee guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan waxyaabaha ay ka qabteen Puntland, isagoona sheegay in horumar weyn ay ka gaadheen ka hortaga tacadiyada haweenka, isla’marhaantaana meel wanaagsan uu marayo barnaamijka wacyigelinta ka hortaga gudniinka fircooniga ah iyo faldenbiyeedka kufsiga haweenka.

Dhinaca kale Mr. Luay Shabeneh ayaa ku amaanay Dawladda Puntland ka hortaga iyo ladagaalanka tacadiga loo gaysto haweenka, isagoona sheegay in marka loo eego Soomaaliya in Puntland ay tahay meel xasiloon oo ay yar yihiin denbiyaha ka dhaca ee lagula kaco haweenka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waftiga kusoo dhaweeyey qasriga madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa waxaa uu uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen sidoo kalena ku bogaadiyey Haya’dda UNFPA shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan hawlaha baaxada leh ay ka fuliyeen Puntland.

Madaxweynaha ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in hada uu yaryahy tacadiga haweenka lugula kaco, taasna ay muujinayso sida Hay’addaha Dawladda Puntland uga hawl galeen amuurtaasi, sidoo kalena sheegay inay lama huraan tahay in laga gudbo caadooyinkii hore ee waxyeelada u gaysan kara caafimaadka hooyada iyo dhalaankaba.

Ugu danbayn madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay bulshooyinka caalamaka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeedba in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo waxyeelo ugaysanaya haweenka.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online