Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Booqdey Dhaawicii Ciidamada Difaaca Puntland.(Masawiro)

May 17, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17 May 2018 waxaa uu Hospitalka Guud ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland ku booqdey dhaawacyada ciidanka difaaca Dowaldda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiirdowlaha Wasaardda Duulista iyo Hawada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhaawaca ciidanka difaaca Dowladda Puntland ee madaxweynaha Dowladda Puntland uu ku booqdey Hospitaalka Guud ee magaalada Garoowe ayaa Waxaa ay ahaayeen ciidankii kusoo dhaawacmay Iska hor imaadkii dhexmaray ciidamada Dowladda Puntland iyo malayshiyaadka maamulka la magac baxay Soomaaliland, dagaalkaas oo ka dhacay duleedka magaalada tukaraq taariikhdu markay 15 May 2018.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ciidanka difaaca Dowaldda Puntland iyadoona Madaxweynuhu uu si naxaariis iyo masuuliyadi ku jirto ula-qaysaday dareenkiisa xaaladda ay ku jiraan, isla markaana uu Alle subxaana watacaalaa uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ku booriyey ciidanka dhaawaca ah in  ay waxyeeladani soo gaadhay iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkoodaba, isla’marahaantaana waxaa uu madaxweynu ku wargeliyey inay ku taagan yihiin wadada xaqa aha, difaafacayaana dadkooda iyo dalkooda hooyo, welibana uu Allaah uga baryey in intii dhimatay oo dalkooda u shahiidayna uu Illaahay janadiisa kawaraabiyo.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saraakiisha Hospitalka Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland kula dar-darmay inay si gaara uga taxadaraan ciidanka Difaaca Dowadda Puntland, ahmiyad gaarana siiyaana caafimaadkooda.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online