Madaxweynaha Dowladda Puntland oo maanta Furey Shirka Wadatashiga Golaha Iskaashiga ee Dowladdaha Xubnaha Ka ah DFS[Masawiro]

May 14, 2018 - Written by Editor

Baydhabo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ahna Guddoomiyaha golaha iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta 14 May 2018 waxaa uu magalada Baydhabo ka daah furey kulankoodii labaad ee shirka Golaha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa fadhigii maanta ee Golaha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah ee uu shir gudoominayey Waxaa qayb ka ahaa dhammaan madaxweynayaasha dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan maanta ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii anba qaadi lahaa qorsheyaashii hore iyo sidii la xisaabtan dhaba loola geli lahaa Dowldda Feedaraalka Soomaaliya, yo sidii ay u wada shaqeen lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.

Dhinca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo madasha kudbad muhiima ka jeediyey ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la adkeeyo Federaalisimka si dalkaan horumar u gaaro.

“Waxaa mahad iska leh Allaah oo iskugu kaaya keeney si nabad gelyo ah, waxaan aad ugu mahad naqaya Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed saaxiibkey Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo dadweynaha reer Koonfur Galbeed soo dhaweentii soomaalinimo, wadaninimo, walaaltinimo intaba iskugu jirto aynagu soo dhawweeyeen iyo marti gelintooda wanaagsanba aad baan uga mahadnaqaynaa, shirkaan waa shirkii labaad ee aan iskugu imaano waxaa ka horeeyey shirkii bishii October sanadkii lasoo dhaafey ee 2017 aan iskugu tagnay Magaalada Kisamaayo, shirkaas oo runtii uu kasoo baxay abuuritaanka golahan iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, shirkii labaad ee aan iskugu nimaadno weeye oo aan isleeyehay waaba daahay, shirkaan isku imaatinkiisu waa shir muhiim ah, waxaan isleeyahay waxyaabaha larabo in lagawada hadlo waxay muhiim u yihiin nabadgalyada dalka, xoreynta dalka, iyo xasilinta dalka Soomaaliya, inta meeshaan joogtaayi waa intii masuuliyadu ka saarneyd dhulka intiisa tirada badan”

in hawlahaas dowladnimada Soomaaliyeed wanaajinteeda ah inay horseedaan kana qayb qaataan ay ugu horeyso, dalka in laga xoreeyo Shabaab, dhul badan oo maanta Sooomaaliya kamida ayaan dadku si xora iskugu socon karin, waxaa loo baaahan yahay marka in loo tashado, laga hawl galo sidii dadka loo xoreyn lahaa, dabadeedna loo xasilin lahaa, dabadeedna maamulada jira loo adkeyn lahaa, dabadeedna loogeli lahaa in dadka loo adeego, shirku waxa uu muhiim u ayahay horusocdka dimuqraadiyada Soomaaliaya, sababtoo ah dowladnimadeenii luntay doon-doonisteedii baa nala gashay, shirku waxa uu muhiim u yahay federaaleynta Soomaaliya, nidaam baan qaadanay la yiraahdo federaaliisam nagu cusub, dad badan aqoontiisa ay ku yar tahay, taas ayaa keenaysa is jiid-jiidka marar badan aad idaacadaha ka maqlaysaan, waad baranaysaan waa dumuqraadiyadii iyo federaalisamkii oo wada socda weeye, sharqanta aad maqlaysaan, shirku waxa uu muhiim u yahay in labarto in dalka awoodiisa laqaybsado, khayraadkana qaybsigiisa lagu heshiiyo, waxa aan halkaan iskugu nimaadnay waa intaa, aad iyo aad ayaan u rajeenayaa anigu runtii waxa ii muuqda meeshsa aan kanimid 1991 iyo meesha aan maanta marayno, wakhtigu hadheeraado lakiin wanaag badan baa ii muuqda, anaguna waxaan aaminsanahay hadaan nahay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowaladda Federaalka Soomaaliya, in dowladda geesaha lagasoo dhiso, in dhexda lagasoo dhiso, dhexduna sida ay u adkaato waa inay difaaceeda geesaha xoojisaa, aad iyo aad ayaan marlaabaad uga mahad naqayaa Soo dhaweynta, aad iyo naad ayaan uga mahad naqayaa, idinkana kasoo qayb galkiina dhammaantiin waad ku mahadsan tihiin Shirkuna waa noo furan yahay”
Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Caali Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka koonfur galbeed ku sugnaan doona tan iyo inta uu soo geba-geboobayo shirka Golaha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI- GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online