Madaxweynaha dowladda Puntland oo shaqadii ka cayriyey masuuliyin ka tirsan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

May 3, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu shaqadii ka cayriyey Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda. Iyo masuuliyin kale duwan oo ka tirsanaa wasaarada Kaluumaysiga waxaan lagu eedeeyey musuqmaasuq , warsaxaafadeedka ka soo baxday xafiiska madaxyooyada ee uu ku saxiixnaa madaxweyne Gaas ayaa waxaa ay u qornay sida tan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 54 May 2, 2018, kuna saabsan shaqo ka eryid.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Baarista ka soo baxday guddiga baarista iyo soo bandhigista xogta musuqmaasuq iyo maamul xumo ee lagu magacaabay digreetada Madaxweyne MW/DPS/247/04/04/2018.

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Guddiga.

1. Waxaa shaqadii laga eryey Madaxda iyo shaqaalaha hoos ku qoran:-

1. Maxamuud Maxamed Cali (gabax) Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

2. Cali Xirsi Faarax Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

3. Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid Fay Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

4. Maxamed Siciid Cartan (Balcad) Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

5. Cabdicasiis Axmed Jaamac Xiriiriyaha Gobolada ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

6. Cabdi Salaad Maxamuud (Radoofe) Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

7. Casayr Yuusuf Maxamuud Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu, wuuna saxeexay madaxweynuhu

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARAFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online