Madaxweynaha Jabuuti oo Xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Booliska Soomaaliya (Masawiro)

May 7, 2018 - Written by Editor

Jabuuti:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdigii uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax iyo masuuliyiin kale.

Sareeyo guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa Madaxweynaha Dawladda Jabuuti, waxa uu kala hadlay dhinacyo badan oo ammaanka quseeya iyo siddii Jamhuuriyadda Soomaaliya looga taageeri lahaa adkeynta Nabad gelyada.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ballan qaaday in gacan weyn Dawladda Djibouti ay ka geeysan doonto taageerada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kordhinta tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Geelle sida walaaltinimada ay ka muuqato ee loogu soo dhaweeyey Djibouti, waxaana uu tilmaamay in uu yahay Hiil Walaal oo Soomaaliya mar walbo garab taagan.

——Dhamaad—-

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online