Madaxweynaha Puntland oo Garowe Dr. Cabdiweli Gaas dib ugu soo laabatay (Masawiro)

May 5, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 5 May 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saaka ka soo anbabaxay magaalada Qardho xarunta gobolka Kar-Kaar, halkaas oo uu ku sugnaa tan iyo maalinimadii shalay.

Madaxweynaha Dowldda Puntland ayaa markii uu soo gaadhay Magaalada Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, maamulka Degmada Garoowe, kan gobolka Nugaal, ganacsato, saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowladda Puntland iyo bulshada qaybeheeda kala duwan, kuwaas oo  dhammaantood si baaxad leh uga qayb qaatay soo dhoweynta madaxweynaha.

Dhina kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaadheen garoowe waxaa loo soo galbiyey xarunta qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, halkaasi oo uu madaxweynuhu kula hadley warbaahinta,

“Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa goloyaasha Dowladda Puntland Madaxda Goobolka iyo tan Dagmada iyo dhammaan Shacabka reer Garoowe ee soo dhaweenta aan hagrashda lahayn nagu soo dhaweeyeeyn aniyo wafdigii ila socdey, aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa, waana ku faraxsanaha inaan ku soo laabto dalkii oo roobsadey, nabad ah, shido iyo shaqaaqo cusubna aysan ka jirin, aad iyo aad baana Allaah ugaga mahadnaqynaa taas, mudo toban beri ku dhow waxaan ku maqnaa dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta oo aan ku aadney martiqaad aan ka helney Dowladda Imaaraatka Carabta, martiqaadkaas oo ku saabsanaa xiriirka Dowladda Puntland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta gaar ahaan dhanka iskaashiga, amniga, ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, imaatinkii Boosaaso ayaan kaga warbixiyey arintaas iyada ah,

 Danta uweyna waxa ay ahyd in la sii wado lana xoojiyo  xiriirka ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, dhanka amniga, taakulada ciidamada iyo codsi aan u gudbiney oo ku saabsanaa iney naga taageeraan mashaariic kale oo la xariirta dhanka caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, dhinaca kale markaan tagey wadamada Isutagga Imaaraadka Carabta waxaan la kulamay dad Soomaaliyeed oo cabsi badani ay ku jirtey aadna uga wal-wal sanaa xaaladooda kunoolaanshaha Imaaraatka iyo xiriirka ganacsiga  iyo  shaqooyinka ay ku haysten dalka,  dabcan markaan meesha tagayna door ayaa iiga furnaa inaan arintaas kala hadlo madaxda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kalana hadlo masiirka dadkaa Soomaaliyeed ee mudada meesha ku noolaa, caruurtooduna meesha ku dhasheen, ganacsiga ku leh kana shaqeysta in lawanaajiyo wax shido ahna aysan ku imaanin, waxaa kale oo arimihii meesha aan u tagnay ka mid ahaa arintii mudada soo jiitameysey ee balaarinta dekada Boosaaso, hawshaasna meel fiican bay maraysaa, waxaana rajeeneynaa wakhti aan dheereyn in lagu dhawaaqi doono shirkadii ku guuleystey, beretenkii shirkadaha ayaa waxa uu marayaa meeshii u danbeysey, Inshaa Allaah iyana waxaan rajeeneynaa in ay guul ku dhammaato shaqadiina ay bilaabato, waana ku farxsanahay socdaalka aan meeshaas ku tagay,  waxa uu ahaa mid miro dhala, mid guul ku soo dhammaadey, mid wanaajinayey xiriirka Dowladda Puntland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, dhinaca kalena xiriirka DFS, iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta inaan door ka qaato waa midan ku faraxsanahay, waxaan dadka reer Puntland kula dar-daarmayaa inay mar walba ilaashadaan midnimadooda, Puntland iyadaa na-hurran iyada ayaana nagu filan, waxaan rabaa markaa hadii ay jirto cid meel kale u hanqal taageysaa, waxaa runtii haboonaan lahayd in uu meeshaas aado,  intii joogaysaana inay wanaag kujoogto ayaan jeclaan lahaa, Puntland-na waa isku filantahay, waana isku kalsoon tahay, wayna isku tashaneysaa Inshaa Allaah hadii ala yiraahdo, aad iyo aad baad u mahadsantihiin mar kale soo dhaweyntiina guul iyo khayr baan rajenayaa, midnimaan rajeenaynaa, nabad baan rajeenaynaa waa mahadsan tihiin, ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu cadeey hadal dad badani ay fahankiisa siyaabo kala gedisan u fasirteen, kaas oo ahaa “Soomaaliya Muqdisho Maaha, Muqdishona Soomaaliya Mahaa, waxuuna yidhi madaxweynuhu

” hadalkaas micnehiisu waxaa weeye Soomaaliyo dhan Muqdisho kaliya maaha Muqdisho kaligeedna Soomaaliya oo dhan maaha, micnaha kusii jiraana waxaa uu yahay dalku waa balaaranyahay, Federaal weeye, wax kastoo deeq caalamiya oo yimaada haday tahay gaadiid baa imanaya, dhaqaale baa imaanaaya, horumar baa imaanaya, mashaariic baa imaanaysa, hadii la yiraado markaas wax-walba Muqdisho ayaa leh, ummadda Soomaaliyeed sidii la iskugu hayn lahaa dhib ayeey noqoneysaa, waxaa loo baahan yahay dalka dhammaantii in loon adeego oo aan lagu mashquulin caasimada oo kaliya, habkan ah hal caasimad, hal degmo, hal gobol, waxyaalihii dalku uu ku bur-burey bay kamid tahay,  waxaa weeye markaa in lafahmo dalka inuu fedraal yahay masuuliyadana la wadaago, maamulkana la wadaago, awoodana la wadaago intaas un weeye ujeedada aan kalahaa hadalkayga, intaasna waa in la fahmaa” ayuu kusoo gebagebeeyey hadalkiisii Madaxweynaha Dowladda Puntland.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online