Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 13, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe 13 May 2018 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu Hogaaminayo oo ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland oo ka degay galabta garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweyey madaxweynha Dowlad Goboleedka Kuunfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Shacabweyne lulayey caleemo qoyan.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ah ka qaybgalka shirka ka furmidoona saacadaha fooda inagu soo haya magaalada Baydhabo, shirkaasi oo ay ka qaybgali doonan Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dowladda DF Soomaaliya, islamar’ahaantaana looga hadli doono, arimaha siyaasada, awood qaysiga khayraadka iyo amaanka guud ee Soomaaliya.

Dhinca Kale Madaxweymaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warabaahinta lahadlay ayaa sheegey inuu magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed uu u yimi ka qayb galka shirka Dawladaha xubnaha ka ah dowladda DF Soomaaliya.

“Waan ku faraxsanaha inaan Baydhabo janaayo nimaadno, shirkani waxa uu muhiim u yahay Dowladnimada Soomaaliya, wuxuu muhiim u yahay Nabadda, dimuqraadiyada, isku talinta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, dalkaan waxaa uu ubaahanyahay in la hore mariyo, la xasiliyo, laga wada shaqeeyo xorayntiisa, waxaa laga wadahadlyaa ajandayaasha aad aragteen oo noqon doona miro dhal, oo hadii ay miro dhalaan noqon doona talaabo horay loogu qaaday dowladnimada Soomaaliya, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan nimaano Baydhabo Janaay, markale waad mahadsantihiin” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu Danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo magaalada Baydhabo wuxuu ka qaybgeli doona shirka looga hadlayo xaaladda dalka soomaaliya uu ku jiro xiligaan oo diiradda si gaar ah loogu saari doono awoodaha iyo Khayraadka.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI- GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online