Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray shaqaalaha adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaalida

May 1, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweyne Farmaajo ” Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa dhammaan shaqaalaha adduunka, gaar ahaan xoogsatada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1da May. Waxaan ku bogaadinayaa dhabar adayga iyo hawlkarnimada aad muujiseen, idinka oo waliba ku shaqeynaya duruufo adag. Dowladdu waxay ku dadaaleysaa horumarinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaana haatan ay Xukuumadd Federaalka Soomaaliya gacanta ku haysaa dhameystirka shirciga shaqaalaha oo kala hagaya shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha iyo siyaasadda shaqaaleysiinta.

Sidoo kale, wax Golaha Shacabka horyaalla Sharciga Shaqaalah Rayidka ah oo u dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay. Shuruucdaas waxay muhiim u yihiin dhawrista iyo daryeelka xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Waxaan adkeynayaa ahmiyadda ay shaqaalaha iyo xoogsatada Soomaaliyeed u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka, ka qeyb-qaadashada nabadgelyada iyo dadaallada aan ugu jirno dowlad dhisidda Soomaaliya. Waxaan qirayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed, oo dhallinyaro u badan, ay ku ammaanan yihiin dawrka ay ka qaadanayaan horumarka dalka.

Waxaan farayaa shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay xil iska saaraan daryeelka iyo bad-qabka shaqaalahooda si loo hubiyo in aan la duudsiin xuquuqahooda aasaasiga ah.

Waxaa kale oo muhiim ah in shaqaalaha Soomaaliyeed ay sameystaan iskaashatooyin iyo ururro u taagan difaaca xuquuqda shaqaalaha si looga hortago xadgudub kasta oo kasoo wajihi kara hay’adaha iyo shirkadaha ay ka hawl galaan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online