Madaxweyne Farmaajo “Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg lagu joojiyaa”

May 15, 2018 - Written by Editor

Dooxa:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.

“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.” “Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.

 

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online