Masjidka Ramadan ee Magaalada Galkacyo oo Xalay Lagu soo Gaba gabeeyay Nadwado (Masawiro)

May 14, 2018 - Written by Editor

Galkacyo:-Masjidka Ramadan ee Magaalada Galkacyo ayaa waxaa xalay lagu soo gaba gabeeyay Nadwo soconeysay Mudo Afar Habeen ah taasoo ay ka qeybgaleen culumo badan oo ka mida kuwa ugu caasan Gobalka Mudug. Nadwadan oo ay soo qaban qaabisay Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa waxay ka dhacday Masaajidda kala ah

Masjidka Ramadan
Masjidka Abii Hureyra

Intii ay socotay Nadwada ayaa waxaa ka faa’ideystay Dadweyne aad ufara badan kuwaasi su’aalo weydiinayay culumadii Nadwada ka qeyb galeysay waxaana ka mid ahaa mawaadiicda culumadu ay soo jeediyeen:-

Soo dhawaynta Bisha Ramadaan iyo Dheeraadka ay leedahay Axkaamta Bishada Ramadaan.
Cibaadooyinka in lagu dadaalo iyo Dheeraadka Toban danbe.
Su’aalo iyo Jawaabo

Culumada ka Qeybgashay Nadwada
C/risaaq Warsame Maxamuud
Maxamed Jawhari
Dr Aadan Maxamed Cigaal
Badel Sugulle
C/casiis Garweyne

Si kastaba ha ahaatee sanad walba marka la gaaro Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadan ayaa waxaa Mu’assasada Al Minhaaj Mudug soo qaban qaabisaa Kulan Cilmiyeed lagu soo dhaweynayo Bisha Ramadan.

X.Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online