R/W Ku-xigeenka JFS oo ugu baaqay Puntiland iyo Somaliland in Colaada la joojiyo

May 21, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Puntiland in ay joojiyaan dagaallada, wixii khilaaf ah ee u dhexeeyana ay ku dhammeeyaan wada hadal.

“Looma baahna in dhiig dad Soomaaliyeed la daadiyo. Looma Baahna in dhiig dad Muslim ah la daadiyo. Maanta waaya arag beynu dhowr iyo labaatan sano u nahay dhibaatada uu dagaal leeyahay. Dagaal waxaa la ogaaday in aan lagu kala adkaan karin. Walaalayaalow hala iska daayo in wax wanaag lagu heli karo lagu raadiyo dagaal iyo Cunfi”, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi ayaa Odayaasha iyo Salaadiinta ka codsaday in ay u istaagaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadeynta dhincayada dagaalku u dhexeeyo si looga baaqsado dhiig kale oo daata.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Somaliland iyo Puntilad sidoo kale ka codsaday in joojiyaan hadalada xanafta leh ee naceynbkaa iyo Cunfiga ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

—Dhamaad—

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online