RW Kheyre oo Booqasho ku tagay xarunta dhexe ee Maamulka Hawada (Masawiro)

May 9, 2018 - Written by Editor

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee maamulka Hawada Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee xaruntaasi ay u heyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasaiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay xarunta dhexe ee Maamulka Hawada Soomaaliya oo ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusman.

Wasiir Oomaar ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha sida howsha ay u wadaan howl-wadeennada iyo maamulka xarunta Hawada Soomaaliya, kuwaas oo horumar badan sameeyay tan iyo markii Maamulka Hawada dalka loosoo wareejiyay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shaqaalaha iyo maamulka kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan howsha muhiimka ah ee ay u hayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online