Ra’iisul Wasaaraha JFS oo shir gudoominaya shir looga hadlayo dhisidda amniga Soomaaliya oo ka furmay Brussels

May 2, 2018 - Written by Editor

Belgium:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, si uu uga qeyb galo shirka looga hadlayo guud ahaan ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, oo ka warbixiyay safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in uu shir guddoomin doono shirka looga hadlayo guud ahaan hanaanka amaanka dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saari doono dhismaha Ciidanka Militeriga si ay ugu diyaariyaan in ay amaanka dalka kala wareegaan Ciidanka AMISOM.

“Ra’iisuul Wasaaraha waxa uu shir gudoominaya shir looga hadlayo dhisidda amniga Soomaaliya oo ay ugu horeyso ciidanka Meleteriga iyo sidii ciidankeennu ugu guuleysan lahaayeen in AMISOM ay kala wareegaan amniga wadankeenna”, ayuu yiri safiir Fiqi Inta uu Ra’iisul wasaaruhu joogo Brussels waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelanayaa madaxda kasoo qeyb gasha kulanka khuseeya amaanka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka 
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya

 

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online