Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo dhawaan la qaban doono magaalada Muqdisho

May 2, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madax banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay si wadajir ah uga shaqeeynayaan qabanqaabada Shir-weynaha Qaran ee lagu daah-furayo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka. Guddi ka kooban Wasaaradda iyo labada Guddi ayaa waxaa dhawaan loo xilsaaray agaasimidda Shir-weynaha Qaran, iyaga oo maalmahanba lahaa shirar joogta ah.

Hay’adaha u xil-saaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa waxay go’aansadeen in Shir-weynaha Qaran uu qabsoomo 13 – 15 bishan Maajo, sida la qorsheeyayna waxaa ka soo qaybgeli doonaan in kabadan 300 oo qof.

Ka qaybgalayaasha Shir-weynaha Qaran ayaa ka koobnaan doona xubno ka socda laamaha Garsoorka, Sharci-dejinta iyo Fulinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed. Sidoo kale waxaa ka soo qaybgelidoonaan xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka oo ka kala imaanaya Gobolada dalka iyo qurbojoogta Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii waxaa xusid mudan iyada oo maanta ay ahayd Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo dhamaan Shaqaalaha dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqeynba ay fasax ku jireen, in Gudigga Shir-weynaha Qaran qabanqaabinaya ay lahaayeen shirar joogta ah si loo qabto Shir-weyne Qaran oo ka qaybgalkiisu loo dhanyahay islamarkaana si wanaagsan ku soo dhamaada.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online