Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo maanta furmay magaalada Muqdisho.[Masawiro]

May 13, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka ee taariikhiga ah oo ay ka qaybgalayaan in kabadan 350 qof oo isaga kala yimid gobolada iyo dalka dibadiisa. Shirka masuuliyiintii ka soo qaybgashay waxaa kamid ahaa Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjirayaal, Gudoomiyayaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyo Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowaladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyda.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo khudbad ka jeediyay Shir-weynaha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah. “Mudanayaal iyo Marwooyin, Wasaaradda aan hogaamiyo waxay bahwadaag la noqotay Guddiyada Qaran iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada ee ay shaqo wadaagayihiin, waxaan kulamo wadatashiyo ah oo badan la qaadanay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Muddo sanad ah oo qaban-qaabo ah kadib, waxaa maanta noo suurtagashay inaan Shir-weynahan qabano, waa mid taariikhi ah; waa maalin taariikhi oo wadada u xaareysa dhameeystirka Dastuurka iyo xoojinta Sareynta Sharciga”. Ayuu yiri Wasiir Avv Cabdi Xoosh.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Gudigga Baarlamaanka iyo Ku-Simaha Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa iyagana si wadajir ah u sheegeen inay ku faraxsanyihiin qabsoomidda Shir-weynaha Qaran islamarkaana ay xoojin doonaan wadashaqeynta ay Wasaaradda la leeyihiin.

Dhinaca Kale, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheeyre ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’antahay dhameeystirka Dastuurka. Dhankiisa Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in Shir-weynahan uu bilow u yahay Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka oo muddo sanad ah socon doona, islamarkaana uu muhiim u yahay dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa si rasmi ah u furay Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo muddo seddex maalin ah socon doona.

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online