Ciidanka PSF ee Puntland oo Sheegay in Alshabaab khasaare lixaad leh ay gaarsiiyeen .

June 2, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 02 June,2018 hawlgal qorshaysan oo ka dhan ah argagixisada Al Shabaab ka fuliyeen degaanka Maraje ee Buuraha Cal Madow.

Hawlgalkan oo ay ciidanka PSF ku beegsadeen kaga na daba-tageen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa #Togga Maraje ayaa wuxuu jawaab-celin u ahaa weerar gaadmada ahaa ee ay xalay Al Shabaab ku soo qaadeen xero ciidanka PMPF ee Puntland ku leeyihiin degaanka Balikhadar.

Hawlgalku inta uu socday waxay ciidanka PSF ka dileen argagixisada Al Shabaab 41-ka mid ah Al Shabaabkii xalay soo weeraray Balikhadar, waxaana sidoo kale laga dhaawacay Al Shabaab 32 xubnood.

Taliska ciidamada difaaca Puntland ee (PSF) ayaa xaqiijiyay weerarkan maanta dhacay iyo khasaaraha la gaarsiiyay argagixisada Alshabaab.

Ciidamada PSF ayaa qoraalka kor ku xusan ku faafiyey maanta barta ay ku leeyihiin baraha bulshada .Kooxda Al Shabaab ayaa dhankeeda ku faaneysa in ay khasaaro u geysteen ciidamada Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online