Ciidanka Puntland iyo Al-shabaab oo uu dagaal ku dhexmaray deeganka Bali-Khadar

June 2, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in koox hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeed saldhiga ciidan oo ciidanka Puntland ay ku lahaayeen deegaanka Bali-Khadar oo ah deegaan u dhexeeya Sugare iyo deegaanka Galgala. Weerarka caawa ayaa ahaa mid la saadaalinay in maalmahaan ay Al-shabaab iyo Kooxda Daaicsh ay sameeyeen weerar ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidanka difaac Puntland ay u leeyihiin Buuraha Cal-Madow iyo buuraha Cal Miskaat ee Gobolka Bari,

Ciidanka Difaac Puntland ayaa marar badan waxaa dagaalo ay ku dhexmareen kooxda Al-shabaab deegaanada buuraleyda ah ee Dhagaxdhaabur,Madarshoon,Karin Xagarood iyo Diindigle oo dhamaan ku yaal Buuraha Cal Madow.

Weerarka caawa ka dhacay deeganka Bali-Khadar ayaan ilaa hadda laga hayn wax faahfaahin balse Saraakiil ka tirsan Ciidanka PMPF oo la hadlay qaar ka mid ah saxaafadda ka howl gasha Puntland ayaa waxaa ay u sheegeen in weerarka uu jiro ayna iska caabiyeen, ma jiro ilaa hadda wax faahfaahin oo ka soo baxday Saraakiisha Ciidanka Puntland iyo weliba kooxda Al-shabaab maadaam xiliga dagaalku dhacay uu ahaa habeen.

Dagaalka ka dhacay deeganka Bali-Khadar ee Buuraha Calmadow ayaa ku soo beegmaya xili xiisad colaadeed oo u dhexeyasa Puntland iyo S/land ay ka aloosan tahay Gobolka Sool gaar ahaa degaanka Tukaraq, Dagaalka Al-shabaab ay ku soo qaadeen xiligaan Saldhigyada Puntland ay ku leeyihiin Buuraha Calmadow ayaa waxaa ay abuurtay Su’aalo badan oo dadka ay iswiidiinayaan sababta ay hadda ugu soo beegeen dagaalka, xili maalin ka hor deegaanka Buuraha Calmiskaat ee Gobolka Bari uu dagaal ku dhexmaray kooxda Daaicsh iyo ciidanka Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online