Ethiopia oo ONLF ka Saareysa Liiska Argagixisada

June 30, 2018 - Written by Editor

Golaha wasiiradda dowladda Ethiopia ayaa baarlamaanka dalkaasi u gudbiyay qaraar ururka ONLF iyo ururo kale looga saaryo liiska kooxaha argagixisada.

Agaasimaha shaqaalaha ee xafiiska Ra’iisul-wasaaraha, Fitsuma Arega ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in golaha wasiiraddu ay u gudbiyeen baarlaamaanka qaraar kooxaha ONLF, OLF, iyo Gibnot looga saaryo liiska argagisada.

Agaasimaha ayaa sheegay in go’aankanu u kooxahan ku dhiirigalin dooni inay hab nabad ah isticmaallaan si ay u gaaraan hadafkooda siyaasadeed.

Arega ayaa sheegay in golaha wasiiraddu uu ansixxiyay sharci cafis lagu siinayo shaqsiyaad iyo kooxaha ku lugta lahaa dagaalka hubeysan ee ka dhanka ahaa dowladda.

Ururka ONLF ayaa so dhaweeyay go’aanka dowladda Ethiopia. Madaxa warfaafinta ONLF oo Eritrea ku sugan ayaa VOA khadka taleefonka ugu sheegay in go’aanka looga saarayo liiska uu yahay tallaabo wanaagsan.

ONLF iyo OLF ayaa sannado badan waxay dagaal hubeysan kula jireen xukuumadda Addis Abbaba.

Khubarada ayaa aaminsan in tallaabadan ay tahay mid dhinaca wanaagsan loo qaaday, balse waxay khuburaddu sheegayaan in kooxahan ay u baahan yihiin wax badan oo lagu qanciyo ka hor inta aysan hubkooda si rasmi ah dhigin.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online