Guddiga difaaca Puntland oo shir jaraa`id ku qabtay magaalada Garoowe (Daawo)

June 4, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Guddiga difaaca dowlada Puntland ayaa shir jaraa`id ku qabtay maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaana Shirkooda Jaraa,id ay uga hadleen xaalada gobalka Sool iyo howlgalo ciidamada Puntland ka fuliyeen Buuraha Calmadow.

Wasiirka Wasaarada arimaha Gudaha ee dowlada Puntland C/laahi Cali Xersi Timacadde oo ayaa mar labaad ku celiyey in Maamulka S/land uu dhibaato iyo tacadiyo ku hayso shacabka ku dhaqan gobalka Sool .

Dhanka kale wasiirka Warfaafinta ee Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay Diyaarad ay Maamulka S/land ku soo cesheen Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal wuxuuna ku tilmaamay nasiib daro.

Sidoo kale Gudiga Difaaca Puntland waxuu sheegay in hawlgalkii Sool uu wali sii socdo doono Gudigu waxuu shacabka Puntland gudo iyo dibadba ugu baaqay in ay ogaadaan in dullaanka laba geesood ah uu socdo Puntland kaas oo ay iska kaashanayaan Somaliland iyo Al-Shabaab

Ugu Danbeyntii Guddiga difaaca Puntland ayaa waxaa uu hanbalyo iyo bogaadin udiray Ciidamada difaaca Puntland kuwaas oo xalay si xun ugu laayey Buuraha Calmadow kooxda Al Shabaab ee ku dhuumaaleysaneysa Buuraha Calmadow.

Maamulka S/land ayaa in badan beeniyey eedeynta uga imaaneysa maamulka Puntland iyaga oo sheegay in ay marna wax taageero ah iyo garab ayna midna siin kooxda Al-Shabaab.

Xaalada Colaadeed ee ka dhex aloosan labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa maraya meel xun maba jiraan cid ka dhexwada Labada Maamul marka laga reebo baaqyo gooni gooni ah oo ay dirayaan waxgaradka Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo Guddiga difaaca Puntland oo shir jaraa`id ku qabtay magaalada Garoowe

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online