Maamulka Gobolka Bari oo ka shiray wax ka qabadka qulqulka Itoobiyaanka ee Boosaaso.[Masawiro]

June 27, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Max’ed Wacays (Dhedo), Agaasimaha Qaxootiyada Puntland Burhaan Huruuse Xaashi, hey’adaha ka shaqeeya arrimaha muhaajiriinta iyo qaar ka mid ah nabadoonada gobolka bari ayaa maanta shir ku yeeshay Xafiiska gudoomiyaha Gobolka ee Bosaso. 

Shirkaan ayaa lagu lafaguray siddii looga jawaabi lahaa, xalna loogu heli lahaa muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee beryahan danbe ku soo qulqulaya deegaanada Puntland. 

Dood iyo falaqayn dheer ka dib masuuliyiintaasi waxay isla qaateen in la dardargeliyo ka jawaabista iyo wax qabashada muhaajiriinta iskudhafan sida ugu dhaqsaha badan.

Maalmihii u danbeeyey ayaa waxaa baraha bulshada ay ku kulanto waxaa lagu baahiyey Muhaajiriin Itoobiyan ah oo u badan Oromo oo ku qulqulaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari si ay uga sii tahriibaan  arrinkaas oo dadka ku dhaqan Boosaaso ku abuurtay walaac  waxaan Nabadoonada , Culimada iyo Waxgaradku ka codsadeen maamulka Gobolka Bari in ay wax ka qabtaan Muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee ku soo qulqulaya deegaanda Puntland guud ahaan gaar ahaan Gobolka Bari.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online