Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya oo Heshiis Gaaray

June 16, 2018 - Written by Editor

WASHINGTON. D.C:-Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta isla gaaray heshiis ay dowlada Itoobiya ku maalgashaneyso afar dekedood oo ku yaalla Soomaaliya. Heshiiskan ayaa ka danbeeyay kadib marki uu maanta magaalada Muqdisho booqday Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed.

War-murtiyeed ay si wada jir ah magaalada Muqdisho uga soo saareen madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayay ku heshiyeen qodobo ka koobnaa 16. Labada hogaamiye ayaa war-murtiyeedkooda ku yiri “Si loo soo jiito loona kasbado maalgelin caalami ah oo ay helaan labada waddan iyo Geeska Africa, ayay hogaamiyaasha ku heshiiyeen in si wadajir ah ay u maalgashadaan afar dekedood oo muhiim ah oo ku yaalla Soomaaliya.”

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in la dhiso wadooyinka muhiimka ah ee isku xira Soomaaliya iyo dhulweynaha Itoobiya. Labada mas’uul ayaa sidoo kale hirgelinta heshiiskan u saaray guddi farsamo oo si dhaqso ah u billaaba dhaqaajinta howshan.

Qodobadda kale ee ay ku heshiiyeen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ka mid ah in labada waddan uu midkoodba midka kale ixtiraamo madaxbannaanidiisa, sharafta dhulkiisa, iyo xorriyadda dhanka siyaasadda.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha argagaixisada, waxaana ay labada mas,uul si wadajir ah u cambaareeyeen ficil walba oo ku leh leh argagxisannimo.

Abiy Ahmed iyo wafdigiisa ayaa isla maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Waa marki ugu horreysay oo uu Muqdisho yimaado Abiy tan iyo marki loo magacaabay xilka Ra’isulwasaaraha. Waxaa horay Muqdisho u tagay Ra’isulwasaarayaashi isaga ka horreeyay ee Meles Zenawi iyo Heylumariem Disalgne.

Source: VOA

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online