Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka qayb Galay Shirka Amniga Soomaaliya.

June 4, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 4 June 2018 uga qayb galay magaalada Baydhabo uga qayb galay shirka amniga qaranka Soomaaliya, shirkaas oo maanta ka furmay xarrunta Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, islamar’ahaantaana ay ka soo qayb galeen Madaxda Dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Madaxweynayaasha Dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda DF Soomaaliya iyo sidoo kale taliyayaasha ciidamada iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan oo ah kii Afraad  oo ay yeeshaan madaxda Dawladda DFS iyo madaxa Dawladdaha xubnaha ka ah DF ee Soomaaliya ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Amniga Soomaaliya, Khayraadka Badda, Caddaalada iyo doorashada 2020.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa lagu falanqayn doonaa arimaha cadaalada iyo habsami usocodka doorashooyinka 2020, iyadoo inta badan xoogga la saaridoono arimaha amniga iyo xasilinta Soomaaliya, balse qaabaynta siyaasadda Soomaaliya iyo sidii dhabaha nabadda iyo hormarinta loogu ridi lahaa Soomaaliya ayaa ka mida arimaha kale muhiimka u ah shirkani.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kulankii maanta ay yeesheen madaxda Dawladdaha xubanaha ka ah DFS iyo madaxda Dawladda Faderalka ah Soomaaliya ka jeediyey Khudbad taariikhi ayaa sheegay sidda ay mahuraanka u tahay in dhidibada loo taago ciidamada xooga dalka Soomaaliya, si lo adkeeyo amniga iyo xuduudaha Soomaaliya, isla markaana tilmaamay haddii la rabbo in la helo Soomaaliya Adag oo ah dal dhisan, xudduudihiisuna sugan yihiin, in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso hay’adaha kala duwan ee dawligga ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in madaxda qaranka Soomaaliya looga baahan yahay in si feejigan u abaaraan dhismaha ciiidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyagoo oo dadaal kooda oo dhan iskugu gaynaya sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad, si ay u helaan kalsooni buuxda oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo Baydhabo wuxuu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Madaxda Dawladda DF Soomaaliya iyo Dawladdaha xubnaha ka ah , isaga oo kala hadli doona xaaladda amniga Soomaaliya iyo sidii iskaashi buuxa looga samayn lahaa horumarinta Soomaaliya.

=DHAMMAAD=

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online