Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Dib Ugu Soo Laabtay Garoowe(Masawiro)

June 6, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Maanta 6 June 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Baydho ayaa waxaa kusoo dhoweeyey  garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe  ee Janaraal Maxamed Abshir Guddoomiyaha Barlamaanka Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaadhay Caasimada Dowladda Puntland ayaa ka warbixiyey shirkii Amniga Soomaaliya oo ay ka qayb galeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,  shirkaas oo uu Madaxweynuhu sheegay  in uu ku soo dhammaaday guul.

“Waan idin salaamayaa dhamaantiin oo uu ugu horeeyo guddoonku, aad iyo aad baan idiin kaga mahadnaqayaa soo dhaweyenta Guddoomiye,  Wasiiro, Xildhibaano iyo odoyaasha kaleba, mudo dhowr beri ah ayaan waxaan ku maqneyen magaalada Baydhabo ee Caasumada kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed , halkaas oo aan kaga qayb galnay shirkii Amniga Soomaaliya, dabcan shirka waxaa looga hadlayaa arrimo muhiim ah oo amnigu ugu horeeyo, qaybsiga khayraadka, arrimo laxadhiidha doorashada 2020, dabcan waxa kasoo baxay waad lasocotaan go’aamo iyo hishiisyo arrimaahaas laxidhiidha oo aan isleeyahay waa arrimo muhiim u ah masiirka Soomaaliya iyo in Soomaaliya horey u socoto oo an is leenahay waxay sii adkeenaysaa Federaalisimka markaan eegno go’aamada soo baxay waxay qaybinaysaa awooda Soomaaliya, waxay horumarinaysaa nidaamka aan anagu hurmuudka ka ahayn federaalisimka, Puntland ayadu mar waliba ahayd midda uddooda, horumarisa, kahadasha, waxaan rajeenayaa Inshaa’ Allaah  in waxabdan Soomaaliya isbadal kusoo rogto dhan walba, dhan amni, dhan dhaqaale, iyo dhan arrimaha lawadaago ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kusoo laabto dalkiiyoo nabad ah isla’markaana waxaa uu Madaxweynuhu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka difaaca Dowladda Puntland oo dharbaaxo kulul ku dhuftay kooxda argagixisada ah ee  taakta daran ee ku dhuumaaleysanaya Buuraha Gal-Gala.


=DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online