Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka qayb galay Bandhigga Xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya.[Masawiro]

June 25, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 June 2018 waxaa uu ka qayb galay bandhigga Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya oo lagu qabtay Caasumadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey bandhigga Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya dhammaan Wasiirada Wasaaradaha isgaarsiint Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaarda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Puntland, garyaqaanka guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland, saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Bandhigga Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya oo lagu qabta Caasumadda Dowladda Puntland ayaa waxaa ku kulmay dhammaan masuuliyinta warfaafinta iyo isgaarsiinta Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulankana lagu lafaguri doono sidii loo horumarin lahaa isgaarsiinta Soomaaliya iyo sidii looga gudbi laha caqabadaha hortaagan ee jira isgaardhsiinta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kulanaka ka hadlay ayaa ka jeediyay ayaa ka hadalay sidii loo horu marin lahaa isgadhsiinta Soomaaliya iyo sidii loo qabyo tiri lahaa sharciga isgaadhsiinta, kaas oo la rabo inuu kala xadeeyo xuquuqaha iyo waajibaadka,

” Waan idin salaamay dhammaantiin intiina martida ahna waan idin soo dhawaynaynaa, waan ku faraxsanahay in aan kasoo qayb galo shirkaan aad iskugu timaadeen lagagana hadlayo arintaan muhiim ka ah ee shuruucda isgaarsiinta Soomaaliya sidii looga gaari lahaa isfaham si wada jir ahna horay loogu socon lahaa, wasaaradda warfaafintu waa ku mahadsan tahay in ay marti gelisay soona dhoweysay martida inoo timid ee ay shaqada wadaagaan, isgaarsiintu waa furaha nolosha iyo horumarka, maanta isgaarsiintu waxay ka mid tahay waxyaalaha lagama maarmanka ah sida:- Raashinka, Biyaha, iyo Dawada sida ay muhiimka u yihiin ayaa maanta isgaarsiintu lagama maarmaan u tahay,

Waa in la fahmaa in isgaarsiintu ay tahay wax taabanaya qofka xoriyadiisa iyo dareenkiisa, maxaa ka dhigaya lagama maarmaan? Waa isbadalka qofka noloshiisa ku dhacaya, wixii shalay ahaa raaxo iyo madadaalo, maanta waxay isku badashay baahi joogto ah maanta daqiiqad moobilkaaga kama maqnaan kartid nolosha qofka ayaa ku xiran maanta, shirkadaha madaxa banaan ee howshaas qabtay amaan bay mudan yihiin doorka ay qabteen, markii dowladeenii burburtay waa mid bogaadin leh isgaarsiinta in shirkado madax banan bixiyaan, wax badan ayey ka bedelaysaa nolosha dadka, waxyaalaha lagu hormaray ee suuqa ganacsigu sahlay ayeyna ka mid tahay, laakiin haddana waxaa loo baahan yahay cid maamusha oo ilaalisa tayada iyo qiimaha.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahan in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, lana sammeeyo shuruc lagu ilaalinayo madax banaanida shirkadaha ganacsigga si dalka si wanaagsan loogu adeego.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online