Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Salaada Ciidul Fidriga La tukaday Shacabka Casimada Garoowe.[Masawiro]

June 15, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii 15 June 2018 La tukaday salaadii ciidul fidriga shacabka ku dhaqan caasimada Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe.

Salaada Ciida oo Lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Casimada Dawladda Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo munaasabada ka hadlay ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada sidoo kalena Dowladda ka codsaday in ay sii wadaan howlgalada cadowga looga xoraynayo goobaha ay ku hareen.

Dhinaca kale Madaxweyane ku-xigeenka Dowladda Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey oo hadal kooban munaasabada ka jeediyey ayaa ku dheeraaday difaaca dalka isagoo shacabka reer puntland ugu baaqay in ay ka qayb qaataan xoraynta golbolka Sool iyo guud ahaan difaaca dalka isagoo dhanka kale hambalyo u diray ciidanka geesiyaasha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn hanbalyo u diray ummada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu madaxweynihu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo.

“ Waxaan rabaa in aan hambalyada ciida u diro shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland farxad iyo wanaag ku ciida, waxaan marka hore si gaar ah ugu mahadnaqayaa dadkii soo qaban qaabiyey munaasabadaan gaar ahaan Wasaaradda Cadaalada Puntland, waxaan Iyana si gaar ah ugu mahadnaqayaa ciidamada qalabka sida ee qaar ay dhufaysyada ugu jiraan in ay naga difaaacaan cadowga ama ha ahaado midka waqooyi ka soo duulay ama shar wadayaasha Al shabaab iyo daacishta dhibta ku haysa ummada, si gaar ah Ayaan ugu mahadcelinayaa si gaar ah ayaan ugu hambalyeynayaa iyaga xaasaskooda iyo caruurtooda, shacabka reer Puntland mid baan dhahayaa, shacabka gobolka sool iyo horgalayaasha soomaali diidkana mid baan dhahayaa, dadka reer waqooyi galbeedna mid baan dhahayaa, dadka reer Puntland waxaan dhahayaa, dalka waa lagu soo duulay, haddii lagu soo duulay naftaadii maalkaagii iyo dhulkaagii waxa kaliya ee lagaa rabaa waa inaad is difaacdo, waxaa la rabaa in aan marmarsiiyo loo samayn nabadda waan jecel nahay waligayana waan ka shaqayn jirnay, laakiin haddii la garan waayey oo duulaan bareer ah lagugu soo qaaday waa inaad is difaacdaan, waxaan isku difaacanaa midnimo iyo wadajir, jihaadka la galayaa waa mid sax ah oo dhab ah, nin gar darana ma guulaysanayo, dadweynaha reer sool waxaan u sheegayaa in Puntland ay diyaar u tahay difaacooda iyo xorayntooda gabadha reer sool ee barooranaysa waxaan u sheegayaa, in ilmadeeda dhulka ku dhacaysaa ay xidido hor leh qoynayso, in ay geedo weyn abuurayso, horgalayaasha jeegaanta waxaan leeyahay cunadiina wadada wanaagsan u mara, waad helasaane haddaad diidaana waxaad ka heshaan ayaan ogaan doonaa, in aad adduunka ceeb ku noolaataan aakhirana ciqaab mudataan ayaan idiin rajaynayaa, ummadda waqooyi galbeed waxaan leeyahay anagu dad meel degan kuma aanu duulin mana rabno ee Muuse iyo jeegaantiisa waxay khatar ku yihiin waa idinka jiritaankiina, ma ahan kaliya anaga xataa wuxuu dhibaato u gaystay dad reer Somaliland ah, qofka waalani naftiisa iyo umaddaba khatar buu ku yahay, waxaa waajib idinku ah in aad iska qabataan si aad ummadda kale wadajir iyo deris wanaag ugula noolaataan,

Ugu Danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamede Cali Gaas ayaa Alle uga baryey Shacbka reer Puntland in ay sanadkan sanadkiisa ay ku gaadhaan rajo wadajir, midnimo iyo amni waara.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online